Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Kooxo hubeysnaa oo Suuqa Degmadda Kaaraan ee Gobolka Banaadir duhurnimadii maanta ku dilay Wiil dhalinyaro ahaa.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal kooxaha hubeysnaa ayaa doonayay in wiilk dhalinyaradda ahaa ay ka dhacaan Mobil uu watay,balse uu diiday taasina ay keentay in rasaas ay la dhacaan.
Kooxihii ka dambeeyay falka ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana goobta gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda federaalka Soomaaliya.
Dhanka kale Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa isku rasaaseeyay isla gudaha Suuqa Degmadda Kaaraan ee Gobolka banaadir.

