Wasiir Oomaar oo Ka Hadlay Nin Qarax Looga Shakiyay oo Lagu Qabtay Garoonka

0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya, ayaa ka hadashay nin u dhashay dalka ingriiska oo looga shakiyay qarax oo shalay lagu qabtay garoonka diyaaradaha Magaaladda Muqdisho.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo la hadlay idaacadda VOA ayaa sheegay in ninka oo raaci rabay diyaaradda Ethopia Airline lagu guuleystay in la qabto,islamarkaana uu haatan gacan ugu jiro Hay’addaha amaanka.

Waxa uu sheegay in qeybaha baaritaanadda Garoonka ay qabteen boorso ay ku jireen waxyaalo qarax looga shakiyay balse markii dambe la ogaaday in ay haayeen gaaska dadka ka ilmeysiiya oo ninka uu watay.

Dhanka kale Wasiirka ayaa sheegay in ammaanka garoonka Diyaaradaha uusan marnaba halis galin islamarkaana ninkan lagu qabtay bartii ugu horreysay ee baaritaan, ayada oo baaritaano kale ay u dhinnaayeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here