Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeyn diyaaradadeed lagu dilay 5kamid ahaa Wariyayaasha Xarakadda Al-shabaab.
Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa lagu baahiyay in duqeyn ka dhacday Degmadda Jilib habeenkii xalay ahaa Lagu Dilay Wariyayaasha islamarkaana la burburiyay xaruntii Radio Andulus ee Degmadaas.
Wariyaasha la dilay waxaa kamid ah sida Dowladda Sheegtay Feysal Yare, Maxamed Aadan Nasrudiin, Cabdikariim Seyfulah iyo Xasan Cabdiraxmaan oo Gobolka Gado u qaabilsanaa kaas markii danbe Jubada dhexe u wareegay.
Dhanka kale Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeymo kale oo ka dhacay Degmadda Bu’aale lagu dilay hogaamiyayaal sare oo ka Tirsanaa Shabaab.
Ma Jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Shabaab oo loogu hadlaayo sheegadda Dowladda Soomaaiya eek u aadan in duqeyn lagu dilay 5kamid ah wariyayaasha Shabaab.

