Dowladda Mareykanka oo Sheegtay in Duqeyn Lagu Dilay 52 Al-shabaab ahaa

0

Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay Duqeyn ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee Gobolka Jubada Hoose, halkaas oo aroortii hore ee shalay ay weerareen  Xarakadda Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Taliska Mareykanka ee qaaradda afrika(AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeynta ay la eegteen gaari ay saarnaayeen Shabaab ayna ku dileen 52 dagaalame oo Shabaab ah,kuwaasi oo weeraray Saldhiga Salguuni.

Dhanka kale Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto Taageeradda Dowladda Federaalka soomaaliya dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here