Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo galabta ka dhacay Hoteel ku yaala Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Kenya.
Qaraxyo oo labo ahaa ayaa si weyn loogu maqlay gudaha Magaaladda,waxaana xigay rasaas laga maqlay Gudaha Hoteelka la weerarary ay dagan yihiin Ciidamadda booliska Dalka Kenya.
Qof ku sugan gudaha goobta uu weerarka ka dhacay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in uu weerar ku socdo.
Dhawr baabuur ayaa la arkayay iyaga oo gubanaya, waxaa la arkayay dad dhaawac ah oo laga saaraya goobta uu qaraxa ka dhacay.
Dhanka kale Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegatay in iyaga ay mas’uul ka yihiin waxa uu ku sheegay hawlgalka Nairobi.







