Xidhibaanadda Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa maanta oo Taariikhda ay ku beegan tahay January 8, 2019 dooranaya Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Puntland iyo ku-xigeenkiisa.
Doorashadda Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ayaa ka dhici doonta Xarunta baarlamaanka Maamulka Puntland ee Magaaladda Garoowe.
21-musharax uu ku jiro Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee C/wali Gaas ayaa u tartamaya doorashadda Madaxweynaha Puntland,halka Madaxweyne ku-xigeenka ay u taagan yihiin 11-musharax oo uu ku jiro Madaxweyne Ku-xigeenka waqtigiisa uu dhamaaday C/xakiin Camey.
Musharixiinta ugu cadcad doorashadda Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa kala ah Maxamuud Khaliif Jabiye, Saciid Dani, Dr Cali Saciid Cabdi iyo xubno kale.
Dhanka kale Magaalooyinka Maamulka Puntland ayaa waxaa ka dhaqan galay amar kasoo baxay Taliska Ciidanka Puntland oo ku aadan in dhaqdhaqaa la xadiday ilaa doorashadda ay ka dhameenayso.

