Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Caawa ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaiya.
Dilkaan ayaa ka dhacay Gudaha Degmadda Warta-Nabadda ee Gobolka Banaadir,waxaana loo geystay mid kamid ahaa Gudoomiye waaxyeedyadda Degmadaas.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal kooxo hubeysnaa ayaa toogtay Gudoomiye waaxeedkii Laanta Saddexaad ee Degmada Warta-Nabada,kaa oo lagu magacaabi jiray Abuukarey.
Ilaa dhowr xabadood ayaa la sheegay in la huwiyay Gudoomiyaha,islamarkaana kooxihii hubeysnaa ay goobta ka baxsadeen.
Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya oo goobta soo gaaray ayaa qaaday meydka,waxaana socda baaritaano.

