Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida ayaa xukun toogasho ahaa saakay ku fulisay Labo Nin oo lagu eedeeyay in ay ku dileen Nin Nabadoon ahaa Degmada Wadajir ee Gobolka banaadir.
Labada Nin ee Xukunka dilka lagu fuliyay ayaa lagu kala magacaabaa cabdiraxmaan ciise cali iyo xasan cali xasan,waxayna dileen sanadkii Hore nabaddoon hilowle xeefow xuseen.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay in eedeeysanayaasha lagu hayo caddeymo muujinaaya dilka nabadoon hilowle xeefow xuseen loo geystay ay ka dambeeyeen kuwaa oo markii dambe ay qirteen eedeemahii loo jeediyay.
Waa dilkii ugu horeeyay ee sanadkaan cusub ay fuliso maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Dowldda Soomaaliya.

