Maamulka Degmadda Galinsoor ee Galmudug ayaa war kasoo saaray dagaaladii maalmihii dambe ka dhacayay deegaanka Kaxandhaale ee Gobolka Galgaduud.
War-saxaafadeed uu soo saaray maamulka Gelinsoor ayaa lagu sheegay in dagaal ka dhacay degaan lagu magacaabo Deeqla oo ka tirsan Kaxandhaale lagu soo qabtay labo askari oo Itoobiyaan ah kuwaasoo ka barbar dagaalamayay mid ka mid ah labada maleeshiyo maleeshiyo beeleed ee halkaas dirirtu ku dhexmareysay.


