Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd askari ka Tirsanaa Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku dileen Magaalada Muqdisho.
Dilkaan ayaa ka dhacay Isgoyska Siinaay,waxaana fuliyay kooxo bastooladdo ku hubeysnaa oo isla goobta ka baxsaday.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal, askariga la dilay ayaa kamid ahaa Ciidamadda kuwa Canshuurta qaada ee Minashiibiyada loo yaqaano.
Ilaa dhowr xabadood ayaa la sheegay in lagu dhuftay askariga,taasi oo keentay in isla goobta uu ku geeriyooday.
Goobta uu dilka ka dhacay waxaa gaaray Ciidamadda Dowladda Soomaaliya,waxaana socda baaritaano.

