Kooxo Burcad Koonfur ah ayaa xalay ku dilay Deegaanka Qamata oo katirsan magaalada Queenstown dalkaas Muwaadin Soomaaliyeed.
Ala Ha U Naxariistee Muwaadinka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Bashiir Abuukar Maxamuud,wuxuuna 10-sano ku noolaa dalkaas.
Sida ay sheegeen qaar kamid ah Soomaalida ku dhaqan dalkaas,kooxo burcad ahaa ayaa dukaan uu lahaa ugu galay kadibna halkaasi ku dilay, waxaana la sheegay burcada in horey usii qaateen lacago iyo agab kale oo Dukaanka yaalay.
Dhanka kale qaar kamid ah Eheladiisa ayaa sheegay bilooyin ka hor uu ka tagay Magaaadda Muqdisho oo ay u dagan yihiin xaaskiisa iyo caruurtiisa.
Booliska Deegaanka Qamata oo katirsan magaalada Queenstown ayaa la sheegay in ku guuldareysteen qabashadda kooxihii dilka geystay.

