Ciidamadda AMISOM oo Qarax Loogu Gubay Mid Kamid ah Gaadiidkooda

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Ciidamo ka Tirsan Kuwa Midowga Afrika AMISOM Lagula Eegtay Deegaan ka Tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Hir-shabeelle.

Qaraxaan ayaa ka dhacay deegaanka Buurane oo dhaca duleedka degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka qaraxa ayaa burburiyay mid kamid ah gaadiidka Ciidamadda AMISOM,waxaana la sheegay in qaraxa kadib ay fureen rasaas fara badan Ciidamadda AMISOM.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaarha soo gaaray Ciidamadda AMISOM ee Qaraxa Lagula eegtay Gobolka Shabeelaha Dhexe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here