Doorashadda Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Ka Dhacaysa Baydhabo

0

Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah maamulka.

Ilaa shan Musharax ayaa u tartamaysa kursiga Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwaasi oo kala ah  C/casiis Maxamed Xuseen (Lafta Gareen), Xuseen Maxamed Xuseen, aadan Saransoor, Ibraahim Macalin Nuurow iyo Musharax kale.

Dhanka Kale Musharaxii ugu hadal heynta badnaa Shiikh muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), ayaa laga reebay,kadib markii lagu eedeeyay in uu jabiyay heshiiyo ay Dowladda Dhexe laga gashay,islamarkaana abaabul ciidan uu kawada magaaladda Bayddhabo.

Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa si aaad ah loo adkeeyay,Ciidamo aad u hubeeysan oo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jiro ayaa saakay lagu soo daadiyay gudaha Baydhabo.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here