Warar kala duwan ayaa laga helayaa dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa Mareykanka Tababaray iyo kuwa Xoogaga iyo Al shabaab oo hada ka socda duleedka Afgooye.
Dagaalka ayaa la sheegay iney qaadeen, saraakiil Mareykan ah iyo ciidamo katirsan Xooga dalka gaar ahaan ciidamada Bangarafta loo yaqaan, kuwaa oo weerar xoogan ku qaaday deegaanka Baladul amiin oo duleedka kaga beegan magaalada Afgooye ee gobalka Shabeelaha hoose.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sido kale sheegaya in saraakiisha Mareykanka iyo ciidamada Dowladda ay hawada sare ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo lagu arkayo hawada sare.
Wali wax war ah kama soo bixin khasaaraha ka dhashay dagaalka, iyo wali xaalada halka ay mareyso.
Waxii Kusoo Kordha Warkaasi Kala La Soco

