Koonfur Galbeed Soomaliya oo Si Layaab Leh Ugu Hadashay Xariga Roobow!

0

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Baydhabo ayaa ka hadlay Xariga Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Waxa uu sheegay in maamulka uusan ka warqabin xariga Shiikh, oo kamid ahaa Musharixiinta Xilka Madaxweynaha Maamulka doorashadda 19-ka bishaan ka dhacaysa Magaaladda Baydhabo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uusan jirin dambi ama dacwo maamulka Koonfur Galbeed uu u heysto Mukhtaar Roobow laakiin dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay u gaar tahay eedaha ay u heysato Abuu Mansuur.

Banaan-baxyadii ka dhacayay maalmihii dambe Magaaladda baydhabo mar uu ka hadlayay waxa uu sheegay in la qaboojiyay arintaa,islamakaana xabsiyadda la dhigay dadkii waday.

22-ruux ayay waxyeelo kasoo gaartay banaanbaxyo ka dhashay xarigii Shiikh Muqtaar Roobow Cali  (Abuu mansuur), oo khamiistii laga soo afduubtay Magaaladda Baydhabo,kadib markii lagu eedeeyay in uu jabiyay heshiiyo lala galay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here