Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in Howlgal Lagu Dilay 25 Ka Tirsanaa Al-shabaab

0

Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Mareykanka ayaa waxa ay howlgal ka fuliyeen nawaaxiga deegaanka Gandershe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qoraal kasoo baxay taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in howlgalka oo dhacay 16-kii bishaan lagu dilay 25 ka tirsanaa dagaalyahadda Xarakadda Al-shabaab,kuwaasi oo isku diyaarinayay weeraro lagu qaado saldhigyadda Ciidamda Dowladda Somaaliya iyo Ciidamadda AMISOM.

“Dawladda Federaalka  Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah waxaa Ka go’an in ay sii wadaan Dagaalka lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab oo Ku taagaan waxyeelaynta shacabka Soomaaliyeed”,ayaa lagu yiri qoraalka Taliska.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here