DEG DEG: Muqtaar Roobow Abuu Mansuur Oo Lagu Afduubtay Baydhbo Iyo Is Rasaaseyn Laga Maqlayo Magaalada

0

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa xiisad ka dhalatay wadaadka Muqaar roobow oo lagu afduubtay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.

Sarkaal katirsan Maamulka Koofur galbeed ayaa Simba u xaqiijiyay in gacanta ay ku dhigeen ciidamo katirsan kuwa Militaryga Itoopiya wadaadka Abuu Mansuur oo horay uga soo baxsaday Al shabaab, hadana u sharaxnaa xilka madaxtinimada maamulka koofur galbeed.

Waarkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in sido kale gudaha magaalada uu ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeya ciidamada Booliska dowladda Soomaaliya ay geystay Baydhabo oo garab ka helaya ciidamo katirsan Itoopiya iyo askar taabacsan wadaadka Abuu Mansuur Roobow.

Dhanka kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Muqtaar roobow loosoo dhaadhicin doono Muqdisho.

Waxii Kusoo Kordha Kala Soco Facebook/ Radio Simba

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here