DEG DEG: Isgaarsiinta Baydhabo Oo Hawada Laga Saaray Iyo Dagaal Ka Socdo Magaalada

0

Xiisad kacsanaan ah ayaa laga dareemaya gudaha Magaalada Baydhabo, oo ka dhalatay kadib markii ciidamo katirsan dowladda oo garab ka helaya ciidamada Itoopiya ay gacanta ku dhigeen wadaadka musharaxa ahaa ee Muqtaar Roobow Abuu Mansuur.

Dhanka kale isgaarsiinta Magaalada ayaa hawada laga saaray, waxaa mararka qaar la maqlayaa is rasaaseyn dhax mareysa ciidamo taabacsan wadaadka Muqtaar iyo kuwa Militaryga Itoopiya.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in wadaadka hada lagu hayo garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in wadooyinka qaar ee magaalada shacab fara badan ay isugu soo baxeen kuwaa oo doonaya in wax ay ka ogaadaan waxa ka jira gudaha Magaalada.

Waxii Kusoo Kordha Goordhaw La Soco

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here