Bananbax Ka Dhan Ah Farmaajo Oo Ka Socda Baydhabo Iyo Rasaas Laga Maqlayo+Sawirro

0

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa banaanbax lagu taageerayo Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa hada ka socda gudaha magaalada Baydhabo.

Banaanbaxa ayaa sidoo  kale lagu taageerayaa Xidhibaanada mooshinka ka gudbiyay Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), oo dhawaan ay ka gudbiyeen mooshin ka dhan ah Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka.

Boqolaal shacab careysan ayaa iskugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee Magaalada Baydhabo, kuwaa oo wata boorar ay ku xardhan yihiin Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Madaxweyne Farmaajo iyo Gudooomiyaha Baarlamaanka Somaaliya Maxamed Mursal.

dhanka kale iska hor imaad ayaa ka dhacay gudaha magaalada oo u dhaxeeyay ciidamo hor kacayay dadka banaanbaxa dhigayay, iyo ciidamadii dhawaan dowladd ay geystay halkaasi.

Inta la xaqiijiyay 3 qof ayaa ku dhaawacantay iska hor imaadka ka dhacay Baydhabo.

La Soco Goordhaw Faah Faahinta Banaanbaxa

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here