Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Kooxo hubeysnaa oo xalay Magaaladda Boosaaso ee Gobolka bari ku dilay Nin Ganacsada ahaa.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal kooxo hubeysnaa ayaa fuliyay dilkawiilka Ganacsadaha ahaa waxaana la sheegay in ay rasaas ku fureen.
Rasaas ay ku fureen ragga hubeysnaa ayaa dhaawac culus kasoo gaartay wiilka dhalinyarada ahaa,hayeeshee uu ugu geeriyooday Isbitaalka weyn ee Magalada Boosaaso.
Ganacsadaha la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Ala Ha u Naxariistee Shaafici,wuxuuna kamid ahaa dadka sida weyn loogu yaqaanay gudaha Magaaladda Boosaaso.
Dilkaan ayaa kusoo beegmaya xili Magaaladda Boosaaso ay kusoo bateyn dilalka qorshaysan ee loo geysanayo dadka iyo ciidamadda.

