Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), ayaa lagu eedeeyay in uu sameystay Ciidamo gaar ah, kana madax Banaan Malatariga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamadda Maamulka.
C/raxiin Maxamed Taakow Gudoomiye Ku-xigeenka Amniga Maamulka Gobolka Hiiraan oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in khilaaf xoogan uu haatan u dhaxeeyo isaga iyo Gudoomiyaha.
Waxa uu sheegay in Gudoomiyaha uu maamulka is leheysiiyay, islamarkaana uu sameystay Ciidamo gaar ah kana madax Banaan Malatariga Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamadda Maamulka Hir-shabeelle.
Dhanka kale waxa uu sheegay Gudoomiye ku-xigeenka in uu socdo dadaal ku aadan in la xaliyo khilaafka soo kala dhexgalay isaga iyo gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.

