Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Bam oo xalay fiidkii lagu weeraray Saldhiga Ciidamadda Booliska Degmada Gar-bahaarey ee Gobolka Gedo.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka, jugta qaraxa ayaa laga maqlay xaafadaha ku dhow Saldhiga,waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas ay ridayeen Ciidamadda Maamulka Jubba-land ee ku sugnaa Saldhig.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxii xalay lagu weeraray Saldhiga Ciidamadda Booliska Degmada Gar-bahaarey ee Gobolka Gedo.
Dhanka kale Howlgal arintaas la xariirta ayaa saakay ka socda Xaafadaha Degmadda Gar-bahaarey ee Gobolka Gedo.

