Madaxweynihii Hore ee Mareykanka George HW Bush oo Geeriyooday+Taariikhdiisa

0

Madaxweynihii hore ee Mareykanka George HW Bush ayaa geeriyooday isagoo 94 sano jir ah, sida uu ka dhawaajiyey wiilkiisa lagu magacaabo George W Bush.

Waxa uu soo noqday madaxweynihii 41st ee waddanka Mareykanka intii u dhaxeysay 1989 ilaa iyo 1993, kadib siddeed sano oo uu madaxweyne ku xigeen u ahaa madaxweyne Ronald Reagan oo isaga ka horeeyey.

George HW Bush oo maanta geeriyooday waxaa xilligii uu madaxweynaha ahaa lagu tilmaamaa gabagabadii dagaalkii qaboobaa ee dunida iyo bilowgii dagaalada Iraq ee looga soo hor jeeday Saddam Hussein.

Sababta rasmiga ah ee dhalisay dhimashada George HW Bush lama shaacin, balse waxa uu sanadihii lasoo dhaafay la daalaa dhacayey xanuuno soo wajahay. Bishii April ee sanadkan 2018 waxaa Mr Bush loo qaaday  hospital kadib markii uu ku dhacay infection-ka dhiiga.

Geerida madaxweyne George HW Bush  ayaa imaaneysa kadib markii ay toddobo bilood kahor geeriyootay xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray  Barbara Bush.

Wiilkiisa lagu magacaabo George W Bush oo isagana madaxweyne kasoo noqday dalka Mareykanka ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray  hadallo murugo ah isla markaana caddeynaya geerida aabihiis kadib 94 sano oo uu dunidan ku noolaa.

Madaxweynaha talada haya ee waddanka Mareykanka Donald Trump ayaa isna bartiisa Twitter-ka kusoo qoray erayo murugo leh oo uu ku muujinayo dareenkiisa, hadallada uu soo qoray Trump waxaa kamid ahaa in qalbigiisa ay tabatay geerida George HW Bush oo hore usoo noqday madaxweynihii 41st ee waddanka Mareykanka, waxaa sidoo kale Donald Trump uu tilmaamay in George HW Bush uu ahaa ay ku weyn tahay bini’adanimada oo aanan runta ka gamban.

George HW Bush waxa uu siyaasadda soo galay sanadkii 1964, waxa uu ahaa nin ka ganacsan jiray saliidda waxa ayna taas u horseeday inuu noqdo millionaire isagoo 40 jir ah.

Sanadkii 1945 waxa uu guursaday Barbara Bush oo 18 jir aheed waxaana ay is qabeen 73 sano iyagoo kala helay lix caruur ah.

George HW Bush waxa uu ifka kaga tagay shan caruur ah oo uu isagu dhalay iyo xaasaskooda, 17 caruur ah oo uu awoowe u yahay, iyo 8 caruur ah oo ay dhaleen carruurta uu isagu awoowaha u yahay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here