Warar dheeraad ay ayaa laga helaya dagaal xoogan oo hada ka socda deegaanka Jilib marka ee duleedka caasimada gobalka Shabeelaha hoose.
Ciidamo katisan kuwa xooga Soomaaliya ayaa weerar 3 jiho ah ku qaaday saldhigyada Al shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Jilib marka oo hoos taga degmada Marka ee xarunta gobalka Shabeelaha hoose.
Gudoomiyaha Magaalada Marka Xasan Cumar Maalin oo goordhaw la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in xoogag katirsan Al shabaab ay ku go’doonsan yihiin deegaanka, kadib markii saddex jiho ciidamada dowladda ka weerareen deegaankaasi oo ay maamulayeen Xarakada Al shabaab.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in deegaanka ay ku qul qulayaan ciidamo kale oo katirsan dowladda, sido kale dhanka Xarakada Al shabaab ayaa ciidamo gurmad ah u dirtay dagalka hada socdo.
Waxii Kusooo Kordha Warkaasi Kale Soco Barta Rasmiga Facebook
Halka Hoose Ka Dhegeyso Codka Gudoomiyaha Marka

