Al Shabaab Oo La Wareegay Deegaanka Muhiim Ah Iyo Iyo Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Itoopiya Oo Kaabiga Ku Haya Halkaasi

0

Xoogag katirsan Xarakada Al shabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanada dhaca duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Dagaalka ayaa ku bilowday qaraxyo loo adeegsaday gadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu weeraray saldhiga deegaanka, oo markii dambe Al shabaab u suura gashay iney la wareegaan.

Saraakiisha howlgalada Al shabaab ayaa warbaahinta u sheegay in deegaanka Goof Gaduud oo 30 KM u jira Magaalada Baydhabo ay dagaal kula wareegeen ciidamada Al shabaab, oo wata gadiidka dagaalka.

Ciidamadii dowladd iyo kuwa maamulka deegaanka ayaa iskaga baxay halkaasi, kadib markii dagaalka uu ku xoogeystay oo ay kari waayeen gacan ku heysta deegaanka Goof Gaduud Shabeelow.

Inta la xaqiijiyay 8 qof ayaa inta ku naf weysay dagaalkaasi, waxaana sido kale jira khasaaro soo gaaray ciidamada dowlada oo dhaawacyada ciidamadaasi la geeyay xarumaha caasimaad ee Baydhabo.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in cutubyo katirsan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoopiya ay u dhaqaaqeen deegaanada dhaca duleedka magaalada Baydhabo oo Al shabaab ay la wareegeen.

Dhanka kale Dagaalyahanada Al shabaaab ayaa dhankooda wada dhaq dhaqaaqyo xoogan iyo sido kale kuwaa oo mid mid u galaya xarumaha maamulka degaanka iyo saldhigyada ciidamada dowladda.

Deegaanka Goof Gaduud Shabeelow ayaa muhiim u ah amaanka Magaalada Baydhabo , oo dhawaan ay ka dhici doonto doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi.

Waxii Kusoo Kordha Warkaa Goordhaw Kala Soco Halkan

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here