Mareykanka Oo Shaaciyay Tirada Ciidamada Iyo Saraakiisha Al Shabaab Looga Dilay Gobalka Mudug

0

Bayaan ka soo baxay taliska ciidamada militariga Mareykanka ee Africom ayaa lagu faah faahiyay weeraro dhanka cirka ah oo lagu bartilmaameyd saday saldhigyada ciidamada Al shabaab.

Warka kasoo baxay Taliska Africom ayaa looga hadlay ilaa 6 weerar ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Mudug Bishan November, halkaasi oo ay maamulaan Xoogaga Alqaacidda ee Soomaaliya.

Mareykanka ayaa sheegaya Duqeymahaasi in lagu dilay ilaa 55 ka tirsan Xarakada Al shabaab oo iskugu jiro ciidamo iyo Saraakiil katirsan Mintidiinta Soomaaliya .

Taliska ayaa sheegay in Weerarkii ugu dambeeyay lagu dilay ilaa 3 xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab.

Mareykanka ayaa sheegay in ilaa 36 weerar uu ka fuliyay Soomaaliya sanadkan 2018 gudihiisa,kuwaasi oo ujeedku ahaa burburinta iyo beegsiga xarumaha iyo deegaanada ay maamulaan Al shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here