Waxaa sakay dhaq dhaqaaq ciidan laga dareemaya deegano hoos yimaada degmada Marka.
Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobalka Sh/hoose ayaa Simba u xaqiijiyay in ciidamo fara badan saakay ay ku qul qulayaan deegaanada Gandarshe iyo Jilib marka ee hoos taga caasimada gobalka.
“Howlgalka waa uu socdaa sido kale ciidamo fara badan oo katirsan dowladda ayaa saakay halkaasi loo daad gureeyay si Al shabaab ay kaga saaraan deegaano katirsan Sh/hoose” ayaa lagu yiri warka taliska.
Dhanka kale dadka deegaanka Gandarshe ayaa saakay qaarkood bilaabay iney isaga baxaan deegaanka, maadam ay ka baqdin qabaan Dagaal halkaasi ka dhaca saakay.
Mamulka gobalka shabeelaha hoose kama hadlin arimaha la xiriira ciidamada halkaasi la geeyay iyo dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka soconaya deegaano hoos yimaada Magaalada Marka.
Waxii Kusoo Kordha Goordhaw La Soco

