Ustaad Abdalla Oo Lagu Dilay Afgooye Iyo Maamulka Degmada Oo Iska Indha Tiray

0

kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa gudaha degmada afgooye ku dilay maamule iskuul oo lagu magacaabi jiray Cumar Mahad Abdi Ustaad Abdalla, xili uu ku sugnaa xafiiskiisa Afgooye.

Goobjooge ku sugan Afgooye ayaa Simba u sheegay in tiro dhalinyaro ah ay gudaha u galeen iskuul ku yaal degmada Afgooye, halkasina ay ku toogteen maamulkii iskuulka oo lagu magacaabi jiray Abdalla.

Gudoomiyaha degmada Afgooye Abdinaasir Caalim Ibraahiim oo Simba Xiriiro ay la sameysay ayaa iska indha tiray dilalka qorsheysan ee sida is daba jooga modooyinkan uga dhacayay degmadaasi.

Maamulka fadhiidka Afgooye ee uu hogaamiyo Abdinaasir Caalim Ibraahiim ayaa diidan inuu xaqiiqda dhabta ah ee degmada warbixin ka siiyo Warbaahinta degmada iyo tan Muqdisho, si ay ula wadaagto xaalada Amni iyo waxa ka jira degmada bulshada ku dhaqan halkaasi iyo tan gobalka Sh/hoose.

Wali majirto cid sheegatay masuuliyada dilka iyo sababaha loo dilay maamulka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here