Ciidamadda Midowga Afrika AMISOM ayaa saakay dad shacab ahaa waxa ay ku laayeen inta u dhaxeysa Isgoysyada Sos iyo Ex-koontorool Balcad degmada Heliwaa.
Leynta dadkaan ayaa timid kadib markii Qarax Miino oo dhulka lagu aasay lala eegtay Kolonyo ka Tirsan ciidankooda,waxaa sidoo kale jirey iska hor imaad dhexmaray iyaga iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.
Inta la xaqiijiyay 4-ruux ayay Ciidamada AMISOM Toogteen kuwaasi oo fadhiyay goob Shaaha lagu cabo oo ku taala Isgoysyada Sos iyo Ex-koontorool Balcad degmada Heliwaa.
Hoos Ka Akhriso Magacyada dadka ay dileen Ciidamada AMISOM.
- Qaasim Daahir Kheyre oo Darawal ahaa
- Xasan Yuusuf Siyaad oo Darawal ahaa
- Cali Shir Ugaas oo ahaa Darawal.
- Axmed Maxamuud Baseey oo ahaa Darawal Mooto Bajaaj.
Dhanka kale banaanbax arintaan loogu soo horjeeday ayaa saakay dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Sos iyo Ex-koontorool Balcad degmada Heliwaa ee magaaladda Magaalada Muqdisho

