Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug dhanka Maamulka Galmudug waxaa maanta ku wajahan wafdi ka socda Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.
Xubnaha aqalka sare waxaa hogaamin doona Sanator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), waxaana kamid ah sanataro laga soo doortay deeganada Maamulka Galmudug.
Dhanka kale wafdi ka socda beesha Caalamka waxaa hogaamin doona Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.
Ujeedka xubnahaan ay u tagayaan Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu sheegay ka qeyb galka kulanka loogu hadlaayo xaaladda Maamulka Galmudug oo haatan laba dhinac u kala jabay.
Dhanka kale waxaa shalay magaaladda gaalkacyo gaaray Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo Madaxa xukuumadda Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan.
Amaanka magaalada Gaalkacyo ayaa si weyn loo adkeeyay,waxaana amniga sugaya Ciidamadda Dowladd Goboleedka Galmudug.

