Maamul Goboleedyada oo La Sheegay in ay Caqabad Ku Yihiin Dowladda+Dhageyso

0

Gudoomiye Ku-xigeenkii hore ee Dastuurka Soomaaliya,haatana ah Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa eedeen u jeediyay Maamul Goboleedyadda dalka jira.

Isagoo la hadlayay idaacadda Simba ee magaaladda Muqdisho ayuu sheegay in Maamul Goboleedyadda Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Jubb-land, in ay maji xaabinayaan Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Dhanka kale waxa uu usoo jeediyay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya in ay la timaado qorshe lagu hagi karo Madaxda Maamul goboleedyadda dalka ka jira.

Hadalka Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa imaanaya xili wali uu jiro khilaafka u dhaxeeya Dowladda Dhexe ee Maamul Goboleedyadda, inkastoo Maamulka Hir-shabeelle iyo Dowladda Dhexe uu heshiis dhexmaray.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here