DEG DEG: Israsaaseyn Khasaare Geysatay Oo Goordhaw Ka Dhacday Magaalada Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya is Rasaaseyn khasaare sababtay oo goordhaw dhax martay Ciidamo uu watay Gen. Sheegow iyo ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya.

Is rasaaseyntan ayaa ka dhacday meel ku dhaw Sarta Seybiyaano, kadib markii ay wada murmeen ciidan Boolis ah iyo ciidamo Saarnaa Gaari Cabdi Bille ah oo uu watay Gen. Sheegow oo katirsan Saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Inta la xaqiiyay Saddex qof oo midi haweeney ay tahay ayaa dhaawac uu soo gaaray, kuwaa oo loola cararay Xarumaha caafimaad ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamo katirsan dowladda ayaa goobta soo gaaray kuwaa oo kala waday ciidamada is rasaaseeyay.

Waxii kusoo kordha Kala Soco FB/ Radio Simba

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here