Faah faahin kasoo baxeysa diyaarad wada dhaawacyo kala duwan oo goordhaw soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.
Saraakiil katirsan kuwa Amaanka garoonka ayaa Radio Simba u sheegay in Muqdisho ay soo gaartay diyaarad wada 22 ruux oo qaba dhaawacyo kasoo gaaray dagaal beeleedyo lagu hoobtay oo maalmihii danbe ka dhacayay deegaano katirsan Gobolka Sool.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in 22 qof ee qaba dhaawacyada kala duwan loo gudbiyay dhanka isbitaalka weyn ee Digfeer ee Muqdisho.
Dagaalo Xoogan oo ka dhacay deegaanka Dhumay oo hoos yimaad magaalada Laascaanood ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 60 Ruux oo iskugu jiro Shacab iyo maleeshiyaadka labada dhinac ee dagaalamayay.

