DEG DEG: Al Shabaab Oo Shaacisay Magaca Cida Lagu Dili Rabay Qaraxyadii Baydhabo

0

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxyo caawa maqribkii ka dhacay magaalada Baydhabo.

Al Shabaab waxay sheegtay in laba weerar ay ku beegsatay Saldhig ciidan iyo Hoteel uu lahaa Mas’uul horay uga tirsanaa dowladda Federaalka hadane ah siyaasi uu damac uga jiro qabashada xilka madaxweynanimada Maamulka Koofur Galbeed.

“Laba weerar ayay Mujaahidiintu ka fuliyeen Magaalada Baydhabo kan koowaad waxaa lagu beegsaday hotel uu leeyahay Ninka Lagu magacabo Fargeeti oo ka tirsan mas’uuliyiintii soo maray Dowladda Soomaaliya hadana u sharaxan xilka hogaamiyaha maamulka xabashidu ka dhistay Baydhabo halka weerarka kale lagu beegsaday saldhig ku dhow Afar Irdoodka Baydhab” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xoogaga Al Shabaab.

Al Shabaab waxay sheegtay in dad ka badan 20 qof oo ay kamid yihiin saraakiil caan ah ay ku dhinteen qaraxyadii Baydhabo ka dhacay, weeraradan ayaa imaanaya xilli xarunta gobolka Bay ay la ciir ciirayso siyaasiyiin xildoon ah.

Maamulka Koofur Galbeed wali kama hadlin Qaraxyada, warararka qaar ayaa sheegaya in goobta uu qaraxa ka dhacay ay joogeen Siyaasiyiin uu kamid ahaaa Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur.

Khasaare hantiyadeed iyo mid nafeed ayaa ka dhashay labada qarax ee ka dhacay baydhabo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here