Wararkii ugu danbeeyay qarax dhimasha iyo dhaawac geystay oo ciidamo huwan ah oo ka koobnaa Jabuuti iyo Militaryga Itoopiya lagula eegtay gobalka Hiiraan.
Kolonyada Ciidamada Itoopiya Iyo Jabuuti ee Qaraxa la kumay ayaa markii hore ka anba baxay degaanka Halgan, balse qarax miino ayaa ku qabsaday wadada laamiga ah ee xiriirisa degaanka Halgan iyo degmada Buula Burde ee Bartamaha Soomaaliya.
Goobjooge la hadlay Simba ayaa sheegay qaraxa inuu ahaa mid xoogan oo askar katirsanaa labada dhinac jabuuti iyo Itoopiya khasaare dhimasha iyo dhaawac ah uu kasoo gaaray qaraxa ka dhacay Hiiraan.
Wali majirto cid si rasmi ah u xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ee ciidamaasi soo gaaray, balse markii danbe goobta qaraxa uu ka dhacay waxaa gurmad ahaan u gaaray ciidamo ciidamo fara badan.
Maamulka gobalka Hiiraan oo Xiriiro ay la sameysay Simba ayaa ka gaabsaday iney faah faahin dheeri ah bixiyaan, lakin jiritaanka qaraxa ayey xaqiijiyeen.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya ciidama Itoopiya iney wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo lagu baadi goobayo ragii ka danbeeyay Qaraxa.

