Kooxo Hubeysan Ayaa Abdifatah Ali Jimcale iyo Muumin Husein Wehliye waxay ku Toogteen deegaanka Soshunguv gaar ahaan xaafada Rosiin ee magaalada Pretoria dalka Koofur Africa.
Bucada Koofur Afrikaanka ayaa weeraray goobo ganacsi oo dhalinyaro Soomaaliyeed ay lahaayeen, waxeyna halkaasi ku dileen laba wiil oo soomaali ah.
Laamaha booliska dalka Koofur Afrika ayaa wada baaritaanno arrintaasi ku aadan oo lagu raadinayo dambiilayaasha geystay falkaasi dilka ah, balse ciidamada Booliska Koofur Afrika ayaa u muuqda kuwa aan culees badan iska saareyn daadinta dhiiga dhalinyarada ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi.
Dilal aan geed loogu gaban ayaa dalka koofur Afrika loogu geystaa mar waliba ganacsato Soomaaliyeed oo halkaasi ku leh Mehrado Ganacsi oo kala duwan.



