Faah faahino cusub ayaa kasoo baxaya duqeymo diyaarado dagaal ay ka geysteen xalay saqdhaxe deegaano katirsan gobalka Gedo ee koofurta Soomaaliya.
Wali si rasmi ah loomo ogo diyaaradaha Fuliyay duqeymaha dowladda laga leeyahay, balse goobjooge ku sugan gobalka Gedo gaar ahaan deegaanka Ceel-cade ayaa Radio Simba u sheegay inuu maqlayay daryanka Madaafiic ay tuurayeen diyaarado dagaal oo jawi hoose ugu soconayay daafaha deegaanka.
Sarkaal katirsan ciidamada Military-ga dowladda Soomaaliya oo magaciisa inaan qalabka warbaahinta u adeegsano diiday ayaa sheegay duqeynta in lala bartilmaameydsaday guriga qoryska madaxa gaashaandhiga Xarakada Al shabaab ugu magacaaban gobalka Gedo Macalin Cismaan.
Lama xaqiijin karo ilaa hada in xiliga duqeynta ay dhaceysay uu guriga ku sugnaa Macalin Cismaan Madaxa Gaashaandhiga Xarakada Al shabaab ugu magacaaban Gobalka Gedo, lakin sarkaalkan katirsan ciidamada Dowladda ee magaciisa inaan adeegsano diiday ayaa sheegay Xaaska Macalin Cismaan iney kamid tahay caruurta iyo dadka ay waxyeelada kasoo gaartay duqeyntaasi diyaaradeed.
Al shabaab wali wax war ah kama soo saarin in duqeynta lagu bartilmaameed saday qoyska hogaamiyaha dhanka Military-ga Al shabaab ugu magacaaban gobalka Gedo Macalin Cismaan.
Dhageyso: Codka Sarkaalka Katirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya

