Horjooge Muqtaar Roobow oo Baydhabo daqiiqado ka hor uga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtimimada maamul gobaleedka Koofur galneed.
Muqtaar Roobow oo kamid ahaa saraakiishii Al shabaab, balse sanado badan aysan wax wada shaqeyn ah dhax marin maleeshiyo ka amar qaata Muqtaar iyo hogaanka Xarakada Al shabaab, ayaa markii danbe ciidamo katirsan Al shabaab ay ka saareen maleeshiyada Muqtaar deegaano hoos yimaada Xudur.
Madaxweynaha koofur Galbeed Shariif Xasan ayaa walaac xoogan ka qabay wararka mudooyinkii danbe sheegayay inuu musharax madaxtinimada Koofur galbeed yahay Muqtaar Roobow Abuu Mansuur.
Musharax Madaxtinimada koofur galbeed Muqtaar Roobow ayaa garab xoogan iminka ka helaya dowladda dhaxe ee Soomaaliya iyo tan dowladda Mareykanka ee Ciidamadeeda ay joogan Somaaliya.

