Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qarax Ka Dhacay gudaha magaalada Muqdisho.
Al Shabaab waxay sheegtay in dagaalyahan Naftiis hure ah uu gaari miinaysan ku dhuftay kolonyo gaadiid ah xilli ay marayeen meel ku dhow Xarunta wasaaradda Gaaashaandhigga.
Sidoo kale shabaab waxa ay sheegeen in qaraxaan uu khasaare gaarsiiyay Ciidamadii gawaarida la socday.
“Shabaab ayaa howlgal istish-haadi ah ku beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen saraakiil katirsan Midowga Yurub xilli ay marayeen agagaarka wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho khasaaraha Ciidamadda gaarayna dib ayaan kasoo sheegi doonnaa Haddii Alle idmo” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Al Shabaab.
Marka laga soo tago sheegashadda Shabaab,qaraxaan ayaa lala eegtay Gaadiid ay la socdeen Ciidamo talyaani ah oo marayay aar-gadda Degmadda Deyniile.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay 2-ruux oo shacab ahaa, halka ay ku dhaawacmeen 5-kale waxaana ku jiro Ciidamo talyaani ah.

