Wararka ka imaanaya Magaaladda Boosaaso ee Gobolka bari ayaa ku waramaya in gudaha magaaladaas lagu rasaaseeyay dad Ethopia ahaa.
Falkaan ayaa ka dhacay meel u dhow Dekeda magaalada Boosaaso, gaar ahaan wadada hor-marta Dabaqa Sahalka, halkaasi oo ah goob ay aad ugu badan yihiin qowmiyada Itoobiyanka ee ka tahriiba Magaaladaas.
Inta la xaqiijiyay rasaasta lagu furay dadka Ethopian-ka ah ayaa waxaa ku dhintay Saddex Nin, halka labo kalena dhaawacyo culus ay soo gaareen.
Laamaha Caafimaadka magaaladda Boosaaso ayaa sheegay in dadka dhaawacyadda qaba mid kamid ah ay xabada kaga dhacday Madaxa islamarkaana xaaladiisa ay tahay mid aad u helis ah.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dablay hubaysan oo aan la garanayn haybtooda ay dilka gaysteen, kuwasoo ka cararay goobta.

