Maxkamadda G-Banaadir oo u Fariisatay dacwad Loo Heystay Shaqsiyaad Dowladda Ka Tirsan+Sawirro

0

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Taariikhdu Tahay 29/09/2018  u fariisatay dacwad ciqaabeed loo haystay sagaal eedeysane oo ka shaqeynaayay waaxda Canshuuraha Dekadda Magalaada Muqdisho, waxaana  lagu soo eedeyay inay lunsadeen hanti Dowladeed Gaar ahaan waaxda Canshuraha Dekadda Magaalada Muqdisho.

Ugu horayn Waxaa Maxkamadda furay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim wuxuuna  aqriyay Eedda loo haysto sagaalka  eedaysane, waxaana dacwada ka soo qeyb galay ku-xigeenada Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ku oogaayay Dacwada loo haysto sidoo kale waxaa goob joog ahaa qareenada difaacaya eedaysanayaasha.

Waxaana dooda qaatay Qareennada difaacayay Eedeysanayaasha,kuwaasI oo soo bandhigay difaacooda sharci.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in ay Maxkamaddu ka soo saari doonto Qaraar, sidoo kale waxaa dib laga soo sheegi doono dhageysiga dacwadan inta ka harsan.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sidan oo kale Taariikhdu markay aheyd 27/09/2018 u fariisatay dacwad ciqaabeed loo haystay labo qof oo ku eedeysan arrimola xiriira musuq-maasuq.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here