C/kariin Shiikh Muuse (Qalbi Dhagax), oo kamid ah Jamhadda ONLF ayaa ka hadlay in uu safar ku imaan doono Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Qalbi Dhagax oo dhawr maalmood socdaal ku jooga magaalada Hargeysa ee Somaliland, ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay madaxda dowladda, baarlamaanka, guurtida, xisbiyada, iyo madaxdhaqameedka Somaliland.
Waxa uu sheegay in safaro uu ku tagi doono Magaalooyinka kale ee,balse uusan tagi doonin Magaaladda muqdisho oo uuu sheegay in ay tahay halkii loogu gacan galiyay Dowladda Ethopia.
Dhanka kale C/kariin Qalbi Dhagax ayaa beeniyay in gawaari lagu eedeeyo inuu ka gubay dad shicib ah oo reer Somaliland mudadii uu ku jiray jabhadda ONLF ee dagaalka kula jirtay Dowladda Ethopia.
Ugu dambeyntii Qalbi Dhagax ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu shaqo u hayo Itoobiya.

