Ciidamada Amniga oo Howlgal qorsheysan ka fuliyay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gacanta ay ku soo dhigeen xubin ka tirsan Amniyaadka Al-shabaab sida uu sheegay Taliska NISA.
“Howgal saacada qaatay oo si taxadar leh loosii qorsheeyay, kana dhacay agagaarka X-koontarool Mogadishu, ayaa lagu soo qabtay Khabiir dhanka qaraxyada u qaabilsan Al Shabaab, habeynimada 27-ka Sabtember. Howlgalka cidi wax kuma noqon. Nagu garab istaag ka hortaga cadowga” ayaa Lagu yiri War kaso baxay taliska Nabad sugida.
Taliska Nisa Ma sheegin magaca Ruuxa katirsan Al shabaab ka dhanka qaraxyada magaalada Muqdisho.

