Waxaa maalmihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho ka dhacayay dilal argagax leh oo qaarkood ku cusub Soomaaaliya.
Nin Walaalkiis ku dilay xaafada Sanca ee Magaalada Muqdisho.
Goobjooge ku sugan Sanca ayaa Simba u sheegay Ninkan Walaalkiis dilay inuu u dilay sababa la xiriiira lacag uu weydiistay, kadib markii uu u diidayna uu halkaasi ku dilay.
Ninka dilka fuliyay ayaa la sheegay in Walaalkiisa oo ay ilmo Abti iyo Ilmo eedo ahaayeen uu ugu tegay Gurigiisa oo ku yaaal Xaafada Sanca kuna dhuftay 2 Xabadood, markii uu dhulka ku dhacayna ugu daray 6 xabadood oo kale.
Dhacdooyinka ceynkan oo kale ayaa mudooyinkan danbe caaadi ka noqday Magaalada Muqdisho.

