Wararkii Ugu Danbeeyay Toogasho Ka Dhacday Magaalada Muqdisho Iyo Howlgalo Socda

0

Dabley ku hubeysan Bastoolado ayaa degmada Wardhiigley ku dilay wiil dhalinyaro ahaa.

Wiilkan ayaa katirsanaa dhalinyarada xiriirka la leh maamulka degmada, waxaana kooxo hubeysan ay maanta ku dileen meel aan sidaa kaga fogeyn masjidka Cabdalo & Cawa wareer ee Muqdisho.

Dilka kadib ciidamada Booliska dowladda ayaa goobta gaaray oo halkaasi ka qaaday meydka wiilka dhalinyarada ahaa ee kooxo hubeysan ay ku dileen degmada Warta Nabada ee gobalka Banaadir.

Majirto ilaa hada cid sheegatay mas’uuliyada dilka wiilkaasi dhalinyarada ahaa.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya ciidamo katirsan dowladda oo goobta gaaray ayaa wada  howlgalo ka dhan ah ragii ka danbeeyay dilka wiilkaasi dhalinyarada ahaa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here