Akhriso: Magaca Sarkaal U Dhashay Afgaanistaan Oo Lagu Dilay Soomaaliya

0

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay howlgal ka dhacay Deegaanka Jilib Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose, in lagu dilay 16 katirsan Ciidamada Al shabaab oo uu ku jiro hogaamiye Ajnabi ahaa.

Sareeye guuto Cumar Dheere Taliyaha Qeybta 12 April ee Ciidanka dowladda oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa xaqiijiyay in howlgalka degaanka Jilib marko lagu dilay Hogaamiye u dhashay dalka Afgaanistaan, kaasi oo lagu magacabo Naasir Aljaabiri.

Abaandullaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sareeye guuto Odowaa Yuusuf Raage oo goob fagaaro ah kula hadlay dadka ku nool deegaanada Alshabaab laga saaray ee hoostaga dagmada Marka ayaa sheegay in laga adkaaday Ciidamada Al shabaab ee mudadda joogay deegaankaasi.

Sareeye guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa waxa uu tilmaamay in dagaalka lagu xoreeyay degaanadan lagu dilay Saraakiil iyo ciidamo ka tirsanaa Al-shabaab, islamrkaana howgaladan ay sii socon doonaan inta laga xoreynayo deegaanada wali ku harsan gacanta Dagaalyahanada Alqaacidda ee Soomaaliya.

Hogaanka iyo Warbaahinta Xarakada Al Shabaab wali kama aysan hadal wararka sheegaya in la dilay hogaamiye Naasir Aljaabiri oo kamid ah Dagaalyahanada Al shabaab Alqaacidda ee Soomaaliya.

Ciidamada dowladda ayaa mudooyinkii danbe howlgalo ka waday deegaano iyo tuuloyin katirsan gobalka shabeellaha hoose oo aad ay ugu xoogan yihiin Xoogaga Xarakada Al Shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here