Shabaab oo Fuliyay Weerar Sababay Dhimashada iyo Dhaawaca Askar Kenyaan ah

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidamadda Kenya ay ku leeyihiin Lamu.

Weerarkaan oo ahaa mid gaadmo ahaa ayaa la sheegay in lagu qaaday Saldhig Ciidamadda Booliska iyo kuwa Malatariga Kenya ay ku leeyihiin Lamu,waxaana la xaqiijiyay in uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay hal askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Kenya ayaa ku dhintay weerarka, sida lagu baahiyay warbaahinta Xarakadda Al-shabaab.

Dhanka kale Al-shabaab ayaa sheegay in qarax dhulka la galiyay ay la beegsadeen gaari ay la socdeen ciidamada Melleteriga Kenya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here