Magaaladda Hargeysa ee caasimadda Somali-land waxaa maanta gaaray C/kariin Shiikh Muuse (Qalbi Dhagax), oo ka tirsan Jahmadda ONLF.
Cabdikariin Qalbi dhagax waxaa Garoonka diyaaradaha Magaaladda Hargaysa ku soo dhaweeyay xildhibaano,masuuliyiin ka Tirsan Maamulka Somali-land ,shacab watay Calanka Jamhadda ONLF iyo Sawiradda Qalbi Dhagax.
Bilowgii sanadkaan Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe oo Magaaladda Nairobi kula kulmay Qalbi-dhagax ayaa sheegay in uu magaalada Hargeysa ku casuumidoono.
C/kariin Qalbi dhagax ayaa sanadkaan dhexdiisa laga sii daayay xabsi ku yaala Magaaladda Addis Ababa ee Caasimadda dalka Ethopia,kadib markii u ku xirnaa bilooyin badan.
Dowladda Soomaaliya ayaa la xusuustaa in bishii August ee sanadkii hore u gacan gelisay Itoobiya, waxaana tallaabadaas la xusuustaa in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo inay ku weysay inta taageeradii shacabka Soomaaliyeed.





