Magaaladda Djabuuti ee Caasimadda dalka jabuuti waxaa kulan ku yeeshay Wasiiradda Arrimaha Dibadda Dalalka Soomaaliya, Erthopia iyo Eritrea, iyo dalka martida loo ahaa Jabuuti.
Kulan ayaa loogu hadlay sidii loo dhameyn lahaa colaada u dhaxaysa dalalka Eritrea iyo Jabuuti,islamarkaana loogu mira dhalin lahaa natiijooyinki heshiiskii lagu gaaray Magaaladda Asmara.
Gabagabadii kulan ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Eritrea, Itoobiya, iyo Soomaaliya, iyo dalka martida loo ahaa Jabuuti, ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed kooban oo si taxadar leh loo dhigay hadallada ku qoran.
Warmurtiyeedka ayaa lagu yiri “booqashadan muhiimka ah waa natiijada dadaalka wadajirka ah ee dalalka gobolka, waxayna u taagan tahay qiimaha uu ku fadhiyo hindisaha lagu heshiisiinayo dalalka gobolka iyo sidoo kale tallaabo weyn oo loo qaaday adkaynta nabadda iyo deganaanshaha gobolka, ayadoo lagu taageerayo isdhexgalka dhaqaale ee geeska Afrika”
Wasiirrada ayaa markii uu dhamaaday kulankii ay ku lahaayeen xarunta wasaaradda arrimaha dibadda, waxay booqasho sharafeed ugu tageen madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

