Ciidamo Weeraray Guriga Madaxweynihii Hore ee Dowladda Soomaaliya!

0

Ciidamo Mareykan ah iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa weeraray guriga Madaxweynihii ugu horeeyay ee Dowladda Soomaaliya aadan Cabdulle Cusmaan (aadan cadde)  oo ku yaala nawaaxiga degmada Janaale  ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dr Siciid Aadan Cadde oo ka mid ah qoyska madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliya, Aadan Cabdulle, ayaa sheegay in Ciidamo hubeysan ay soo galeen beerta Janaale,islamarkaana ay la socdeen laba dayaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca ee Helikobtarka.

“Beerta Aadan cadde meel u dhow ayey ku soo degeen, laakin markii dambe ayey beerta u soo gudbeen, waxayna u sii dhaafeen guri beerta ku dhex yaallay oo uu ku noolaa madaxweynihii hore, Aadan Cabdulle,askarta waxaa loo sheegay in guriga uu yahay kii aadan cadde, balse way kusoo jabiyeen, waxa ayna qaateen alaab dhex taallay”. ” ayuu yiri.

Wuxuu kaloo intaa ku daray in seddex wiil oo halkaa joogay ay iyagana kaxaysteen.

Dawladda Soomaaliya weli si toos ah ugama hadlin arrintan, laakinse wuxaa si shakhsiyan ah ula xiriiray qoyska reer Aadan Cadde Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre “oo raalligelin ka bixiyey falkii dhacay”.

Beerta iyo gurigaba waxay ka badbaadeen dawladihii dalka soo maray, dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay, iyo Al Shabaab, waana markii ugu horraysay ee la weeraro guri uu leeyahay madaxweyne hore oo Soomaaliyeed.

Wuxuu Dr Siciid Aadan  sheegay in qaybta la jabiyey ee guriga oo ah halkii uu ku noolaa allah u naxariistee madaxweyne Aadan Cadde, aan la degganayn oo ay iska xirnayd, tan iyo markii uu dhintay marxuumku.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here